Pages

Monday, January 11, 2010

Itoobiya oo qirtay in aynan doorasho hadda ka dhacaynin Ogaadeenya & dadka siyaasada indheeya oo u arka in ay doorashadan tahay tii Itoobiya ugu dambaysay.


 Waxaa bisha May ee soo socota lagu waada in ay doorasho ka dhacdo Itoobiya doorashada oo ah doorasho lawada garanayo najiidada ka soo bixi doonta, gudiga doorashada Itoobiya ayaa shalay baahiyey in diiwangalinta doorashadu maanta ka dhaqangali doonto Itoobiya iyada oo la diyaariyey sida ay shegeen in ka badan 41.000 oo xarumaha codbixinta ah.

Xukuumada Meles ayaa saxaafada u sheegay in ay doorashadu u dhici doonto si xor ah ayaga oo ka wada doorashadu meelaha ay ka wadaan in ay noqoto dhulka kale, waxayna shegeen in ay dib u dhici doonta dhulka Ogaadeenya sidii sanadii hore, Dhulka Ogaadeenya oo aan kamid ahayn meelaha lagu wado in ay doorasho ka dhacdo ayay gudiga doorashooyinku qireen in ay dib u dhigeen, arintaas oo la ogyahay in aynan ka dhacaynin wax doorasho ah lagana aqoonin doorashaba.

Sida horaan dhacday waxay Tigreegu doonayaan in ay kuraasta ku buuxsadaan marka ay doorashadu dhacdo kadib ayaga oo ujeedada ka dambaysa tahay in ay isku hubaan kuraastaas. Shansano ka hor ayay doorashadii hore ahyd markii ay dhacday waxayna dib u dhigeen 3 bilood kadib dhulka Ogaadeenya ayaga oo markii dambana ku buuxsaday intii ka dhinaatay.

Shacabka Ogaadeenya oo aynan khusaynin doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Itoobiya sanadka ayay tahay arin aad loola yaabo mar hadii aynan doorasho ka dhacaynin sida ay shegeen in ay ku darsadaan dhulka ay doonayaan in ay doorasho ka dhacdo xukuumada Meles oo og in aynan owoodin in ay doorasho ka ridaan Ogaadeenya waxaana cadayn u ah waxaa awoodi la shirkadaha shidaalka ka qoda Ogaadeenya in ay qodaan.

Dhulka Ogaadeenya oo ah dhul aad u balaadhan ayaa waxaa ka socdo dagaal aad u kulul oo u dhexeeya Jabhdda ONLF & ciidanka Itoobiya waxaana malin walba dhulka ka dhaca dagaalo aad u waaweyn oo inta badan ay Jabhaddu qorshayso.

Waxaa la ogsoon yahay siyaasada Jabhaddu in ay ka sii korodhay sidii ay horaan ahyd waxana laga cabsi qabaa hadii ay isku dayaan in ay doorasho geyaan Ogaadeenya in uu dagaalku ka sii dari halka uu hadda marayo.

Dadka sida weyn siyaasada u baadha waxay u arkaan in ay doorashan tahay midii ay Itoobiya ku bur-buri layan mana jiro laba qowmiyadood oo isku siyaasad maanta ah waxaana jira kala shaki aad u weyn oo u dhexeeya qowmiyadaha ay Itoobiya gumaysato.

Shacabka Ogaadeenya oo aad ugu diyaar garaysan in ay maamulaan dhulkooda dhowr & tobakiisano ee u dambeeyayna ku jiray diyaar garoow ayaa la saadaalinayaa in ay yihiin qormiyadda maanta ka faa'iidi bur-burka & kal dhaqaaqa Itoobiya ku soo food leh waxaana la saadaalinayaa in ay tahay kala dhaqaaqii ugu dambeeyay ee Itoobiya.

Shacabka Ogaadeenya oo mudo dheer ku soo jiray gumaysi dulmi & cadaadis ayaad modaa in ay tahay maanta maalinta ay ugu midaysan yihiin ugana awooda badan yihiin gudo & dibadana waxayna Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya midaysay dhamaan shacabka ku dhaqan Ogaadeenya oo aad arkayso meelkasta in ay ka jirto kacdoon shacab.

SOURCES;-Qorahay Online

No comments:

Post a Comment