Pages

Tuesday, January 12, 2010

Warmurtiyeed ay jabhadaha ONLF iyo OLF si wadjir ah u akhriyeen


Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) iyo Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ayaa si wada jir ah u soo saarey bayaan ay diirada ku saareen arima quseeya labada bulsho ee Ogaadeeniya iyo Oromiya. Waxay ku ifiyeen bayaanka mu’aamaradaha ay xukuumda TPLF ka dhex aburayso labada shacab ee walalaha ah iyo sidii looga hortagi lahaa iyagoo ka codsaday shacabka inay xooga saran fashilinta khiyaamada iyo shirqoolada uu cadawgooda u maleegayo si uu dadkeena aamin daro iyo isku dhacyo ooga dhex abuuro iyo inuu is nacayb kala dhex dhigo labada shacab ee walaalaha ah.
Bayankan ayaa labada shacab ku boorinaya inay bar-tilmaadsadaan cadawga labada shacab taasoo soo dadajinaysa guusha, waxayna ka codsadeen dadka ku hoos jira cadaadiska kaligii-taliska ku soo duulay labada shacab inay midnimo iyo iskaashi dhexdooda ah la yimaadaan, say ooga hoos baxaan xukunkan macangaga ah.

Waxay ku soo qaadeen bayaanka labada jabhadood inuu jiro qoomiyada kale oo la halgamaya taliska macangaga ah ee wayaanaha, labada shacab ee Ogaadeeniya iyo Oromia ayaase lagu tilmaami karaa in ay yihiin kuwa ugu horeeya qawmiyadaahaa dagaalka hubaysan kula jira Wayaanaha iyagoo mudo qarni ah la soo dagaalamayay nidaamka gaboobay ee aan cadaalada ku dhisnayn ee ka jira Itoobiya.

Waxay isla qireen inay walaaltinimo ka dhaxayso labada shacab oy leeyihiin waxyaabo badan oo ka dhexeeya, kuwaasoo aan ka tilmaami karno,

1- Taariikhda halgan ee labada shacab ay mudada fog soo wadeen.

2- Dhibaatada uu gumaysiga ku hayo labada shacab ee duudsiga xuquuqul insaanka iyo boobka hantidii shacabka, taasoo sababtay macaluul iyo abaaro joogta ah oo ka dhaca dalalka Ogadenya iyo Oromiya.

3- Labadan shacab oo aan helin dawlad ay aaminsa yihiin oo u danaynaysa shacabka kana danqanaysa marka uu xilliga adkaado.

4- Labada umadood oo go’aansaday inay soo afjaraan gumaysiga mudada qarniga ah soo dulsaarnaa, oy hantaan xoriyadooda. Waxaana mideeyay labada shacab halganka ay sanado ku soo jireen si ay ugu noolaadaan qaran xor ah.

5- Halganka gobanimadoon ee labada shacab ay wadaan wuxuu kaga jawaabay gumaysiga itoobiya inuu cagta mariyay deeganadoodii, oo si sharci daro ah dadkoodii ku laayay, kumanaan kalena xabsiyada uu ku jidh dilayo. Waxaa lagu qasbay shacabka Ogadeya iyo Oromiya inay wadankoodii ka qaxaan, oo wadamo shisheeye ay xaqootinimo ka raadsadeen.

6- Shacabka Ogadenya iyo Oromiya oo is deegaan xiga, waxay wadaagaan hiddo iyo dhaqan, kaasi oo markasta ay khilaafooda ku xalistaan. Waxa ay leeyihiin caadooyin ay dhibaatooyinkooda bulsheed ku xaliyaan iyagoo meesha ka saraya gacmo shisheeye, taasoo u horseeday in ay noqdaan dad dhaqan iyo caadoba isku mid ka ah.

7- Hab nololeedka, labada shacab oo ku dhisan xoolaha iyo beerha way is cawiyaan markasta oo ay abaaro haleelaan, waxaana ka dhexeeya daaqsin wadaag. Dhaqan wanaagan ayaa ka mid ah waxyaabah oogu muhiimsa ee loo baahanyahay in la sii xoojiyo, waana in aan lamarin-habaabinin shacabka si aanu cadawgeenu ooga faa’iidaysanin.

8- Wuxuu taliska itoobiya ka dhex abuuraa dadyawga jaarka ah muran iyo isqabqabsi la xidhiidha dhanka ceelasha biyaha iyo dhul daaqsimeedka. Waxay kaloo khilaaf ka dhex abuuraan dadka deegaanka dhexdiisa. Sidaa darteed waa inay shacabka inuu gumaysiga doonayo inuu ku cimri dheeraeysto khiyaanada isku dirka shucuubta.

9- Shirqoolada uu cadawgu maleegayo waxaa ka mid ah in uu dhoobdhoobo muran dhanka xuduuda ah oo uu shacabka dariska ah ka dhex huriyo, taasoo caqabad ku noqonaysa nabad galyadii iyo wada noolaanshihii labada shacab ee wada dhashay.

Guud ahaan qodabada sare ku xusan iyo kuwa kaloo aan halkan lagu xusinba, waxa ay ka markhaati kacayaan in shacabka Ogadenya iyo Oromiya wadaagaan waxyaabo badan oo wanaag ah iyo dhibaato gumaysi oo isku mid ah. Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay inay labada shacab ka warqabaan shirqoolada uu cadawgu u maleegayo suu xumaan u dhex dhigi lahaa oo uu xidhiidhkooda u wiiqi lahaa, suu ugu cimri dheeraysto.
Hadaba ONLF iyo OLF iyagoo arimahaasoo idil ka warqaba, ayay labada umadoodba u sheegayaan , gaar ahaan duqayda, ardayda iyo hogaamiyayaasha dhaqanka inay si adag ooga shaqeeyaan siday ooga hortagi lahaayeen mu’aamaradaha uu cadawgeenu samaynayo isla markaasna ay mar kasta ka qaadaan talaabooyin dagdag ah oo wax ku ool ah.

Jabhadaha ONLF iyo OLF iyagoo ka warqaba arimahaa aan soo sheegnay ayay ku celcelinayaan in guud ahaan shuubta uu taliskan cadaadinayo cadaadiyo gaar ahaan umadaha Ogadenya iyo Oromiya in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaalanka gumaysiga oy ka baydhaan iskana fogeeyaan mushkiladaha uu cadawgoodu ka dhex abuurayo. Waxay ugu baaqayaan in ay ka shaqeeyaan sidii ay xumanta iyo isfahan la’anta dhexdooda taal meesha ooga saari lahaayeen.

Ugu danbayntii waxaa labada ururba ka go’an in ay wajahaan sidii ay labada shacab uga dhex-dhisi lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo guusha ku hogaamiya.
ONLF / OLF
Source ONA news

No comments:

Post a Comment