Pages

Monday, December 21, 2009

Dalka Maraykanka Magaalada Minneapolis.Sidee Looga Daawaday Flim Sillent Cry


Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee ku Nool Cariga Maraykanka ayaa Si Balaaran u daawaday Film Caanka ahaa ee Silent Cry. Film Sillent Cry ayaa waxaa laga soo Duubay Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya halkaas oo ay ku Jiraan Dad Ciidamada Itoobiya u soo gaysteen Tacadiyo ka Dhan ah Xuquuqda Aadamaha.

Waxaa Kaloo Isla Gooobtaas Yimid Dad aad u Badan oo ka soo Jeeda Jaaliyadaha Soomalida Ogaadeeniya, oo Halkaas Dareenkooda Xoogan ka Muujiyay Dhibaatooyinka Ciidamada Itoobiya u Gaystaan Dadka ku Nool Ogaadeeniya.

Waxaa Filinkan uu soo maray Dalal Badan oo Aduunka ah Gaar ahaan Wadanka Yurub, London oo ahayd Meesha Filinkan Hidisahiisu ka Bilaabmay Isagoo Wadamada Kale Yurub ah soo Maray oo Badan, Ilaa Canada Maanta Laga soo Bandhigay Wadanka Maraykanka Gaar ahaan Gobalkaas Soomaalida u badan tahay ee Menipolis.

(OPSF)
MN MPL

No comments:

Post a Comment