Pages

Monday, December 21, 2009

DENMARK;BANAANBAXII OO KU SOO DHAMADEY GUUL


Mudaaharaadkii Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Yurub kaas oo ay kaga soo Horjeedeen Raysul Wasaaraha Wadanka Itoobiya Melez Zenawi, Mudaaharaadkan ayaa soo Jiitay Indhaha Caalamka, Dad kamid ahaa banaanbaxayaashii reer  Ogaadeeniya ayaa Waraysiyo Siiyay TV Iyo Wargayso Caalami ah. Daawo Muuqalada Laga Qabtay Mudaaharadka oo Dhan Sideed Qaybood.,

Hadaba waxaa farxad ah in sidan geesinimada leh ay u aragtidooda u soo bandhigaan qurbajoogta jahliyadaha reer ogaadenya  indhaha  caalamkana ay si  aad ah u soo jiidatey  qoraaladii iyo murtidii lagu dhawaaqayey  fagaaraha ku soo jeeda goobtii shirkii cimilada aduunka lagaga hadlayey .
 
waxaan tahniyada u soo jeedineynaa aabayaasha , hooyooyinka iyo dhalinyarada  wiilasha iyo gabdhaha   naftood hurayaasha dadaalkaas  ka soo qeyb galey  lagu muujinayey arigtida shacabka reer ogadeenya .
 
(OPSF)
Denmark

No comments:

Post a Comment