Pages

Thursday, February 04, 2010

Warsaxaafadeed ay JWXO ugu baaqayso madaxda Midowga Afrika

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ka rajaynaysaa madaxda dalalka Midowga Afrika ee shirka isugu yimid inay daneeyaan dhibka joogtada ah ee dawladda martigalisay shirkan ay ku hayso shacabka Ogadenya. Nidaamka Itobiya ayaa olole badheedh ah oo lagu gumaadayo shacabka Ogadenya ku qaaday, wuxuuna ka fuliyay dambiya dagaal oo diwaangashan. Ololahan ayay xukuumadda Itobiya si ula kac ah ula beegsatay dadka shacabka ah iyadoo ka qarisay indhaha caalamka oo u diiday saxaafadda caalamka iyo haya’adaha daneeya xuquuqda aadanaha inay tagaan dalka Ogadenya.

Warbixintii ugu dambaysay ee Human Rights Watch ka soo qortay Ogadenya ee cinwaankiisu ahaa “ Ciqaab Wadareed iyo Gaboodfal Dagaal oo ka dhan ah xuuqul insaanka ayaa ka socda Ogadenya - War Crimes and Crimes against Humanity in the Ogaden...” ayay haya’daasi ku sheegtay in ciidanka Itobiya kula kaceen shacabka Ogadenya xadgudubya farabadan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka kuwaasoo ku ah dambi Sharciyada Dawliga ah ee Dagaalada.

Waxaa ka mid ah xadgudubyadaa barakicin baahsan oo dadaka shacabka ah loo gaysanayo, baabi’in tuulooyinka ay dagan yihiin, dil aabayeel la’aan ah, kufsi iyo xadgudubya kale oo haweenka lagu samaynayo iyo jidh-dil.
Iyadoo ay dhowr boqol oo kilomitir u jirto fadhiga Midowga Afrika goobaha ay ka dhacayaan xadgudubyadaa, ayuuna diyaar u ahayn sida muuqata golahan inuu u diro guddi ka tirsan Golaha Nabadda iyo Xasiloonida Afrika (Peace and Security Council PSC) oo si madaxbaani ah baaritaan ugu soo sameeya xadgudubyadan loo gaysanayo shacabka.

Guddigii Xaqiiqa raadin ahaa oy Qaramada Midoobay horey ugu dirtay Ogadenya bishii September 2007dii ayaa soo jeediyay in loo diro guddi madaxbanaan oo si dhab ah u soo baara xadgudubka baahsan ee ka socda Ogadenya. Laba sano ka dib go’aankii guddiga xuquuql insaanka uu ka soo saaray Ogadenya, waxaa weli halkii ka sii socda xadgudubyada baahsan ee xukuumadda Itobiya ay ku hayso shacabka Ogadenya. Xukuumadda Itobiya ayaa kula kacda shacabka dil badheedh ah, jidh-dil iyo xadgudubya kale oo xuquuqda insaanka ka soo horjeedaiyagoon wax dambi ah galabsan.

Waxaa intaa u sii dheer iyadoo ay xukuumada Itobiya raashinkii caalamka ugu deeqay shacabka taabaylan u adeegsanaysa hub ahaan iyadoo u diiday raashinkaa in la geeyo dhul balaadhan oo ka mdi ah Ogadenya sabab siyaasadeed darteed.
Midowga Afrika waa Rajadii Qaarada. Waxaana lagu dhisay mabda'a in shacabka Afrika ay u madaxbanaa-naadaan aayahooda siyaasiga ah oy xoriyad cadaadis la’aan ah ku noolaadaan.

Waxaa hadaba arin lala yaaba ah in Midowga Afrika ogolaado inay ka sii socoto Ogadenya siyaasada Itobiya ee ku dhisan dilka aabayeel la’aanta ah.

Waxay JWXO ugu baaqaysaa madaxda fadhida shirka MA inay wax ka qabtaan dambiyada dagaal ee dawlad ka mid ah Midowga Afrika ay ka wado Ogadenya. Waxay sidoo kale JWXO ugu baaqaysaa Golaha Nabadda iyo Xasiloonida Afrika (African Union Peace and Security Council) inuu si dhaqsa leh ugu diro guddi xaqiiqa raadin ah Ogadenya oo la mid ah midkii ay dirtay Qaramada Midoobay 2007dii.

Waxay JWXO ka codsanaysaa Midowga Afrika in waddo caalami ah oo ka madaxbanaan faragalin iyo carqaladayn loo furo Ogadenya si loo gaarsiiyo taageerada uu caalamka u fidinayo shacabka Ogadenya.

Waa in Midowga Afrika gartaa masuulaiyadda ka saaran shacabka Ogadenya uu aqoonsadaa in dagaalada ka socda Ogadenya yahay dagaalkii ugu waqtiga dheeraa Afrika oy tahay in la soo faragaliyo si loogu helo xal caalami ah iyo mid goboleedba.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.