Pages

Thursday, February 11, 2010

dhoolo tus ciidan oo ka socda Ogadenya oo idil oo ay wadaan ONLF

Xoogaga Jabhada ONLF ee u Dagaalama Gobanimo doonka Dhulka Soomalida Ogaadeeniya ayaa wada dhoola Tus Ciidaan oo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya, Dhaala Tuskan ayaa laga Maqlaya Magaalooyinka Wardheer, Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey, Abaabul Balaaran oo Ciidan ayaa ka socda Ogaadeeniya Iyadoo aan la ogayn Meel uu ku wajahaniin Dhaq-Dhaqaaqyadaas.

Jabhada ONLF ayaa Dagaalo oogu Danbeeyay la gashay Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Dad waynaha Ogaadeeniya u Yaqaana daba qoodhida Canaasiirta ah ee u shaqeeya Itoobiya, Gobalka Godey Ayaya ka dhaceen Dagaaladii oogu Danbeeyay Halkaas oo Khasaaro Xoogan soo gaaray Ciidamada Itoobiya.

Dhanka Kale Magaalooyinka Ogaadeeniya ayaa laga dareemaya Abaabul Ciidamada Itoobiya ah kuwaas oo haatan aan la ogayn meel ay aadi doonaan.

Jabhadan ONLF ayaa Hogaaminaya Maamulka Deegaanka Sannadkii 1992 Ilaa ay noqdaan Awood Ciidaan oo Duurka Gasha, Inta badan dadka Deegaanka ayaa aaminsan In ONLF lagu qasbay dagaalka balse aysan dooraan, ONLF ayaa Xiligaas doonaysay in Xalka Ogaadeeniya ay ku dhamayso Wada Hadal Iyo Dastuurka Dalka Itoobiya u yaala Midaas oo noqotay wax laga aqbali waayo, Sababtaas Darteedna ay ONLF Halgan hubaysan u Bilowday.

Jabhada ONLF oo la aas aasay Sannadkii 1984 ayaa Rabitaankeeda oogu xoogan yahay Madax Banaanida Ogaadeeniya Iyadoo Shacabaka Ogaadeeniya u ooman Yihiin Madax Banaanida.

OPSF

No comments:

Post a Comment