Pages

Monday, January 04, 2010

Eriteriya Oo Sheegtay Inay Itoobiya Soo Weerartay


Zalambesa, 03-Jan-2010 - War kooban oo ay sii-deysay wasaaradda Warfaafiinta ee dowladda dalka Eriteriya ayey ku sheegtay inay subaxii Jimcaha, taariikhduna ay aheyd 01 January 2010, in ciidamada dalka Itoobiya ay weerar ku qaadeen aaga Zalambesa, iyadoo intaasi ku dartay inay ciidankeeda iska caabiyeen weerarkaas.

Jabhaddaha RSADO iyo ESF oo mucaarad ku ah xukumadda madaxweyne Isayas Afwerki ee dalka Eriteriya, ayaa shalay sheegtay inay weerararo gaadmo ah, oo ay iska-kaashadeen, ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidanka dowladda Eriteriya.

Warka dowladda Eriteriya ka soo baxay ayaa wuxuu sheegayaa inay ciidankeeda dileen 10 askari oo Itoobiyan ah, kana qabteen lamo askari, isla markaana ka furteen lix qori, nooca AK-47.

Majiro illo madaxbanaan oo arrintan xaqiijiya. Dowladda Itoobiya ayaanan dhankeena wax war ah oo arrintan ku saabsan ka soo bixin, inkasta oo uu jiro dareen xiisadeed oo laga soo sheegayo jiidaha hore ee ay labada ciidan isku hor-fadhiyaan.
OPSF
ER-Asmara

No comments:

Post a Comment