Pages

Tuesday, December 22, 2009

Gollaha Amniga Oo Dib U Dhigay Codbixintii Cuna-qabateynta Eriteriya


New York, 22-Dec-2009 - Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa dib u dhigay codbixintii dhici laheyd maalinta bari ah, taasoo la doonayey in lagu cuna-qabateeyo dowladda dalka Eriteriya.

Dib u dhiga codbixintan ayaa waxaa codsaday dalka Faransiiska, oo Gollahan ka ah xubin joogta ah.
Dowladda Eriteriya ayaa lagu eedeynayaa inay kaalmo military siiso ururka al-Shabaab, oo aduunka kaga diiwaangashan inuu yahay urur argagixiso.


Dowladda KMG ah ee dalka Soomaaliya ayaa dhowr mar dalalka aduunka ka codsatay in talaabo laga qaado dalka Eriteriya.

Qoraalka lagu cuna-qabateynayo Eriteriya, ayaa waxaa soo diyaarisay dowladda Uganda, oo GM ku fadhida kursi KMG ah oo ka dhaxeeya dalalka qaaradda Afrika.

Reviewed bye
OPSF-NY-USA

No comments:

Post a Comment