Pages

Wednesday, November 18, 2009

XOGTII U DANBEYSEY EE DAGAALKII EEBO CADE

Xogtii ugu dambaysay ee dagaalkii eebo cade ay geesiyda naftood hurayaasha aha ee ONLF ku jabiyeen ciidamada cadawga itoobiya  inta la hubsaday goob kasta waxay kala yihiin sidan
1. Galadiid dagaalkii ka dhacay 11/11/09 waxaa lagu dilay 150 askarta cadowga. Waxaa Gurmad ka
 yimid Q/Dahare halkaas oo laba B/Buur oo Uraal ah Jidka u dhexeeya Galadiid iyo Q/Dahare lagu gubay iyaga iyo ciidan lagu qiyaasay 50 askari midkiiba. Karin Bilcile oo Q/Dahare iyo Galadiid u dhexeeya waxaa lagu dilay 14 askari oo Cadowga Itoobiya.


2. Yucub dagaalkii ka dhacay isla maalintaas 11/11/09 waxaa lagu dilay 94 askarta cadowga Itoobiya. Waxaa 1 B/Buur Uraal ah oo ka soo gurmaday Shilaabo lagu gubay. B/Buurkaasna waxaa saaraa 50 askari oon midna ka bixin.

3. Xamaro dagaalkii ka dhacay 11/11/09 waxaa ciidanka cadowga laga dilay 140. Derida iyo Xamaro jidka u dhexeeya 1 B/Buur oo Uraal ah iyo ciidankii saaraa oo dhanaa 50 askari ayaa lagu gubay.

4. Higlaley, waxaa isla maalintaas 11/11/09 lagaga dilay cadowga 103 askari. Geed Aar iyo Dh/Buur jidka u dhexeeya waxaa lagu gubay 2 B/buur Uraal ah oo kiiba saaran yahay 60 askari. Fadhi-Xun ciidan Ciidan cadow oo ka soo gurmaday waxaa lagu dilay 21 askari. Magaalada Higlaley ciidan ay keeneen ayaa 12/11/09 goor habeenimo ah la miray, khasaaraha gaadhay lama hayo.

5. Boodhcaano, 11/11/09 dagaalkii ka dhacay waxaa lagaga dilay ciidanka cadowga 51 askari. Waxaa gurmad laga filayey dhinaca Eimayda Bari iyo Godey laakiin, cabsi darteed mayna soo gurman.

6. Cobosha, oo ahayd meeshii uu Hawlgalku ka bilowday, 10/11/09 waxaa ciidanka Gumeysiga lagaga dilay 64 askari.

7. Gunagado, dagaal loogu talo galay in lagu arbusho waxaa lagaga dilay 13 askari cadowga.

8. Birqod, sida oo kale arbushaad waxaa lagaga dilay 15 askari.

Tirada guud ee ilaa hadda la hubo ee cadowga laga dilay waa 985 askari, markii laga reebo 2 B/Buur ciidankii saaraa oo wax yeelo la gaadhsiiyey oo baxsaday.

Waxaa dagaaladaas lagu dilay 12 sargaal inta la hubo. Waxaa na soo gaadhay qaarkood magacyadooda koobaad sargaal kasta, waxayna kala yihiin:Sayara-Welde; Ayala; Bayaale; Binte; Malaku; Ababa; Abaabu; Dixiri oo ah naanays Somalidu u bixisay, wuxuu ahaa sargaal dhib badan; Haylu oo ahaa taliyaha sahanka Hararghe.

Dhaawaca soo gaadhay lama tira koobi karo.

Guusha intaa le'eg waxaa loogu mahadin Eebbe SW. Sida caadada u ahayd marki Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya uu xanuujiyo waxay ku gaydhadaan shacabka. Waxay meelo badan ku wax yeeleeyeen shacabka madaniga ah oo ka ag-dhawaa aagaga .

Bye ONA
(OPSF)

No comments:

Post a Comment