Pages

Wednesday, November 18, 2009

GUULIHII ONLF OO DHALIYEY IN PUNTLAND IYO SOMALILAND LOOGU YEEDHO ADIDS ABABA SHIR DEGDEG AHA


Todobaadkii hore Jabhadda ONLF ayaa qaaday dagaalo ay kaga qabsatey ciidamada cadawaga ethiopia deegaano dhowr ah mar qudh ah, sidaas awgeed ayaa waxay sababtay tuhun weyn oo ay dowladda dhexe ee Itoobiya ka qaado wada shaqeynta iyada iyo maamullada Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo la aaminsanyahay inaynan waxba ka qaban ciidamo iyo saanad ONLF oo soo dhexmartay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Itoobiya ayaa maantaba u yeertay masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliland, si ay jawaabo degdeg ah uga bixiyaan tuhunkan

Waxaa isla maanta duhurnimaddii magaalada Jigjiga soo gaadhay waftigii reer Hargeysa, kuwaasoo waxoogaa ka hor loo sii qaaday magaalada Dirdhaba oo uu ku sugayo jeneral Abraham oo ka socda wasaaradda Gaashaandhiga dowladda dhexe ee Itoobiya.

Dhanka Puntland ayaa iyana dhawaan la filayaa inay masuuliyiin ka yimaadaan, si iyagana dhankooda loo weydiiyo su'aalo arrintan la xidhiidha.

Dowladda dhexe ayaa aad uga xumaatay weeraradii u danbeeyey ee ONLF, kuwaas oo ahaa kuwo aanan noocooda marnaba laga fileynin jabhadda ONLF, maadama warbixinada dowladda dhexe gaara ay sheegi jireen in awoodii ONLF la wiiqay kal hore, isla markaan Somaliland iyo Puntland ay adkeeyeen xuduudaha ay la wadaagaan deegaanka.

Bishii hore uun bey aheyd markii dardaaran adag la siiyey wafti reer Somaliland ahaa, kuwaas oo shirar kula galay saraakiisha ciidanka dowladda dhexe iyo kuwa deegaanka magaaladan Jigjiga.

Weeraradii ONLF ee isbuuci tagay oo geystay qasaara xoogan oo labada dhan ah, ayaa u muuqday kuwo ka gadisan kuwii hore.

edited by
(OPSF)
Jigjiga

No comments:

Post a Comment