Pages

Friday, October 09, 2009

U NUGLAANSHAHA SIYAASADA GUMEYSIGA ETHIOPIA ee Puntland iyo Somaliland.

 Labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Somaliland, ayaa ujeedada ugu weyn ee jiritaan kooda ETHOPIA ka leedayahay waxey tahay, inay noqdaan rimuut lagu koontoroolo dhaqdhaqaaqa iyo safarada shacabka u dhashay Soomaalida Ogadeenya iyo isbadal ka  dhasha soomaaliya.

Gaalkacyo  09 OCT ciidamada Sirdoonka Itoobiya ayaa ugu dhaceen xilli habeenimo ah gurigooda dad shacab ahaa , iyaga oo mid ka mid ah ragii ay raadinayeen xabad ku dhiftey, halka mid ka kalena isaga oo dhaawac ah ay ku tuureen inta u dhaxeysa degmada Xarfo iyo Gaalkacyo, kaasoo hadda lagu dabiibayo xarunta Caafimaadka ee GMC ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga Puntland Gen. Samatar.ayaa sheegay in kulan dedeg ah  kadib Dawlada Puntland ay soo saartey jawaab kulul oo ku aadan dhibaatadii ka dhacdey Gaalkacyo ee lagu dilay Labo qof oo Soomaali ah isla markaana ku noolaa xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo.

“Wuxuuna yiri uma  dulqaadan doono falkaasi oo kale, waxay waxyeeleynaysaa xiriirka maamulka puntland iyo itoobiyo , raalina ka noqon mayno in deegaanadeena lagu sameeyo waxyaabo amaanka wax u dhimaya”


Unuglaanshaha siyaasada ethiopia waxaa aad u soo if baxa ay in shacabka labada gobol ee puntland iyo somaliland  ay ka dharagsanaayeen siyaasada Gumeysiga Ethiopia  balse maamulada ka jira oo ah daneeystayaal ka ganacsan jirey Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ama aalad loo isticmaalo qaab siyaasadeed ayaa noqday kuwa bilaabay cabashooyin ethiopia ay kaga soo horjeedaan .
 
Galkacyo (OPS) 
Ogaden People Solidarity
Ogadenpeople@gmail.com
https//ogadenps.blogspot.com

No comments:

Post a Comment