Pages

Wednesday, October 07, 2009

BARA KICINTA IYO CADAWGA DAAFAHA



Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa noqday lacag caddaan ah oo socota, ama aalad loo isticmaalo qaab siyaasadeed. Labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Somaliland, ayaa ujeedada ugu weyn ee jiritaan kooda laga leeyahay waxey tahay, inay noqdaan rimuut lagu koontoroolo dhaqdhaqaaqa iyo safarada shacabka u dhashay  Soomaalida Ogadeenya


Jeneral C/lahi Siciid oo wafti uu la socday ay dhawaan soo booqdeen magaalada Addis Ababa, ayaa awaamiirtii lasiiyey waxaa kamid aheyd; "inay joojiyaan tirada sii kordheysa ee dadka ka imanaya todobo gobol oo ka tirsan sagaalka gobol ee Ismaamulka Soomaalida Ogadenaya, ee ku sii badanaya magalooyinka waaweyn ee Puntland."

Arrimaha ka ganacsiga umadda Deegaanka ayaa waxaa caan ku aheyd Somaliland, haddase waxey noqotay mid ay Puntland kaga hormartay, taasoo ay sabab u tahay iyadoo labada gobol ay ku tartamayaan u kala dhawaanshaha Ato Garbe, oo ah lataliyaha Meles Zenawi ee arrimaha Soomaaliya.
Puntland ayaa dhawaan xirxiratay dhalinyaro, waayeel, caruur iyo waliba dumar, kuwaas oonaan intooda badan la ogeyn meel ay ku danbeeyeen.

Waxaa hubaal ah in cadawga  bara kiciyey Umadan  ee etoobiya  in  dadaal loogu  jiro  sidii looga kor qaadi  lahaa ummada  soomalida ogaadeenya , halgankiina  socodo  xoriyaduna  ay  soo  carfeyso mustaqbalka  dhawna la gaadhi doono  danaha cadawga ee daafaha  ogaadeenya  ka jirana  soo afjarmi doonto insha allaah .

Ogaden people Soldarity (OPS)
ogadenpeople@gmail.com
https://ogadenps.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment