Pages

Tuesday, December 15, 2009

Hudheel ku yaala magaalada Qabridahare oo ay ciidamada Itoobiya Bom-Gacmeed ku tureen 5 Qofna ku geeriyoodeen.

Dec 15, 2009 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ee caasimadda gobalka Qorahay ayaa sheegaya in xalay fiidkii Hodheel weyn oo ku yaala bandhtanka magaalada halka loo yaqaano (Artubane) ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah kadibna ay su'aalo waydiyeen mulkiilihii Hudheelka sida warar hordhac ah nagu soo gaadhayaan ayaa sheegaya dadweynhii Hudheelka joogay amar ku siyeen in uusan cid kabixi karin Hudheelka kadiban Bom-gacmeed ku tureen Hudheerkii oo ay dad aad u badan jogeen waxayna wararka naga soo gaadhaya Qabridahre sheegayaan in ay ku dhinteen dad gaadhaya 5 halka dhaawucuna gaadhayo 8 ruux.

Lama garanayo sababta ay ciidamada Itoobiya ugu tuurayaan Bomka hudheelka waxaase loo badinayaa in ay mulkiilaha hudheelka is afdhaafeen kadibna Bomka ku tureen.

Shacabka Ogaadeenya ayaa sabab la'aan loo layaa waxayna ciidamada Gumaysiga Itoobiya dadka rayidka ah u layaan sabab la'aan
opsf

No comments:

Post a Comment