Pages

Thursday, November 05, 2009

Warsaxaafadeed ay JWXO ka soo saartey dambiyada uu maamulka Puntland ka galay shacabka S. Ogadenya


Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya

 Bayaan Saxaafadeed.                           Taar;- 31/10/200

Cadaawada Maamul Goboleedka Puntland
Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxaa waxyeelooyin aadaminimada ka baxsan loo gaysanayay Shacbiga S. Ogaadeenya ee ku nool deegaamada Waqooyi Bari (Puntland) kaasoo kaga imanayay maamulayaasha Dawlad Goboleedka Puntland. Waxyeelooyinka Shacbiga loo gaystay, welina lagula kacayo waxaa ka mida; dilal qorshaysan, afduub, xadhig, iyo in qaar badan Guumaysiga Xabashida loo garba duubo loona gacan galiyo. Waxyeelooyinka noocan ah ayaa si isdaba jooga u soo noqnoqanayey. Shacabiga Ogadenya dulqaad ku filan ayuu arrintaas ka muujiyey.

Waxaa cad oon xaab cidna ka saarayn in maamulka Puntland ee Faroole horjooga u yahay go’aansaday inuu ka abuuro qulqulado iyo xasilooni darro labada shacab ee dariska ah taas oo uu fulinayo siyaasadda Itoobiya ee ah inay dadka Soomaliyed isku dirto Geeska Afrikana xasilooni la’aan ka abuurto. Aragtida gaaban ee noocaas ah iyo ka hor marinta danta taliska gumeysiga Itoobiya midda Soomaliya waana midda maanta shacabka Soomali iyo qaranimadiisii burburisay.
J
abhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay in badan uga digtay maamulka Puntland inuusan ku dhicin dabinka gumeysiga Itoobiya, joojiyana dhibaatada uu ku hayo shacbiga Soomaalida Ogaadeenya. Waxay JWXO in badan ku baraarujisay welina ku baraarujinaysaa inay shacabka Ogadenya iska caabiyaan cid kasta oo ku xad gudubta xaqooda si sahlana aan lagu duudsiyin xaqooda.

Hadaba, Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) iyadoo ka xun falal dambiyeedka uu maamulka Puntland ee Faroole horjoogaha ka yahay uu ka gelayo shacabka aan waxba galabsan ee Ogadenya, ayey cambaaraynaysaa maamulka ka arimiya Garowe oo si badheedh ah taariikhda isaga indho tiray iyagoo ka hiiliyey shacabka xaqa leh ee Somalida Ogadenya, kuna taageeray xaq-darada taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ugu baaqaysaa shacbiga Somaliyeed meel uu joogaba inuu iska kaashado dabinada gumaysiga Itoobiya ee doonaya inuu dulaysto umadda Soomaliyeed isagoo adeegsanaya dabadhilifyada u masila danihiisa iyaga oo qaarkood sheeganayaan Maamule Goboleed sida midka Puntland.

Jabahda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay maamulka Faroole u sheegaysaa inuu isagu dhabar u ridanayo wixii ka yimaada falal dambiyeedka joogtada ah ee uu ku hayo shacabka Somalida Ogadenya een waxba ka galabsan isaga iyo maamulkiisa toona.

Waxaa guusha kama dambaysta ah iska leh Shacabka geesiga ah ee Ogadenya!
Waxaa fashil iyo guul darro ku dambayn gumeysiga Itoobiya iyo kuwa u gargaaraya!

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)
Source News ONA
(OPSF)

No comments:

Post a Comment