Pages

Wednesday, October 07, 2009

Jen. C/lahi Saciid: Puntland Dadka Inoogu Imanaya Itoobiya Ayaan U Dhiibeynaa Ama Waan Xiraneynaa



Boosaaso, 06-Oct-2009 - Wax u muuqday hadal digniin ah oo loola jeedo umadda ka soo jeedo Deegaanka Soomaalida Ogaadenya, ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay wasiirka Amniga ee dowlad gobolleedka Puntland, Jeneral C/lahi Siciid Samatar, isagoo yiri dadka Puntland inoogu imanaya Itoobiya ayaan u dhiibeynaa ama waan xiraneynaa.

Shacabka  Soomaalida Ogadenya ayaa noqday lacag caddaan ah oo socota, ama aalad loo isticmaalo qaab siyaasadeed. Labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Somaliland, ayaa ujeedada ugu weyn ee jiritaan kooda laga leeyahay waxey tahay, inay noqdaan rimuut lagu koontoroolo dhaqdhaqaaqa iyo safarada shacabka u dhashay  Soomaalida.Ogadenya

Jeneral C/lahi Siciid oo wafti uu la socday ay dhawaan soo booqdeen magaalada Addis Ababa, ayaa awaamiirtii lasiiyey waxaa kamid aheyd; "inay joojiyaan tirada sii kordheysa ee dadka ka imanaya todobo gobol oo ka tirsan sagaalka gobol ee  Soomaalida Ogadenya ee ku sii badanaya magalooyinka waaweyn ee Puntland."

Arrimaha ka ganacsiga umadda Deegaanka ayaa waxaa caan ku aheyd Somaliland, haddase waxey noqotay mid ay Puntland kaga hormartay, taasoo ay sabab u tahay iyadoo labada gobol ay ku tartamayaan u kala dhawaanshaha Ato Garbe, oo ah lataliyaha Meles Zenawi ee arrimaha Soomaaliya.

Puntland ayaa dhawaan xirxiratay dhalinyaro, waayeel, caruur iyo waliba dumar, kuwaas oonaan intooda badan la ogeyn meel ay ku danbeeyeen.
"Dowladda Puntland labo mowqif ayey qaadan doontaa, inay xirato xuduudaha ay la leedahay dadkan dariskeed ah, iyo inaan celino dadkan," ayuu yiri jeneral C/lahi Sicid.

waxaa soo gudbiyey
Boosaaso (OPS)

No comments:

Post a Comment