Pages

Thursday, October 29, 2009



CANBAAREYN IYO BAAQ

KU MAAMULKA PUNTLAND IYO SHACABKEEDBA
KHAMIIS 29.10.2009



CANBAAREYN;-
Golaha midoowga shacabka ogaadeeya ee wadamada aduunka ku kala nool waxaan cambaareynaynaa faldambiyeedyada bini aadnimada ka baxsan ee uu ku kacay maamul-goboleedka Puntland.
Maamul-goboleedka Puntland wuxuu si khilaafsan, islaamnimada, wada-dhalashada, darisnimada, iyo xeer walba oo caalami ah uu ula dhaqmaa shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee gumeysiya Itoobiya ka soo cararay. Falalkaas oo uu ku hayo 10kii sanadood ee u danbeysey walina uu  wado .

BAAQ:-
1. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland in uu joojiya muwaadiniinta S. Ogadenya ee iyagon wax dambi ah ka galin Puntland loo gacan gelinayo cadowgii ay ka soo carareen.
2. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka punland inuu sida ugu dhakhsiyo badan u siidaayo muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeenya ee jeelashiisa ka buuxa.
3. Maamulka Puntland waxaan xasuusinaynaa in muwaadiniinta maamulkiisa ay si nabadgelya ah ugu nool yihiin dhamaan gobolada Soomaalida Ogaadeenya iyagoon wax dhib ah aan loo gaysan, meesha maamulka Puntland uu muwaadiniinta S. Ogadenya maalin walbaba waxyeelaynayo.
4. Waxaan ugu baaqaynaa in maamulka Puntland inuu ka waantoobo in colaad uu dhexdhigo labada shacab ee walaalaha ah.
5. Bulshada Bariga Soomaaliya ee Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay ka dhiidhiyaan falalka xilkasnimo xumida ah ee maamulkan uu ku kacayo, maamulkaasoo si indha la’aan ah ugu shaqaynaya gumeysiga Itoobiya .

TALO IYO DARDAARAN
Waxaan ugu baaqaynaa muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeenya in ay sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah isaga baxaan degaanada Puntland.

XUSUUSIN
Waxaana xasuusinaynaa umadda Somaliyeed in dhiiga iyo xadgudubka Soomaalida Ogaadeenya laga galo ayna noqon doonin mid la hilmaamo, cidii gaysatana ay aad uga shalayn doonto, iyadoo lala sugi doono goorta iyo saacada ugu haboon.

WABILAAHI TOWFIIQ

News sources(OPSF)
OGADEN PEOPLE SOLIDARITY FORUM
http://ogadenforum.blogsopt.com

No comments:

Post a Comment