Pages

Thursday, September 24, 2009

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya 23-09-2009

KU
Puntland President H.E.Dr.Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole)
KU
Vice President : H.E. Abdisamad Ali Shire
OG
The House of Representative Speaker Abdirashid Mohamed Hersi

(ASALAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WA BARAKAATUHU)

WAR MURTIYEED

Waxaa magaalada Boosaaso maalmihii ay dadka muslimiinta ah u dabaal-dagayeen farxdda ciidul-fitriga lagu xidh-xidhay dad farabadan oo si isir raac ah looga soo qab-qabtay guryahoodii. Dadkaas la soo xidh-xidhay waxay ka soo carareen gumaadka gumeysiga Itoobiya ay ku hayso dadka dulman ee Ogadenya, iyaga oo miciin mooday walaalahooda Puntland. Ma ayna filaynin marnaba in dhibaatadii ay ka soo carareen mid la mid ah ay ku qabsanayso Puntland, iyadoo ayna jirin sabab keeni in la dhibaateeyo, haddii ayna ahayn in lagu raali gelinayo Taliska Addis Abab ee dhiiga shacabka Somalida Ogadenya ku naaxay.
Waxaa in muddo ah soo noq-noqonaayey inay xukuumadda Puntland gabood falo ka dhan ah xuquul aadamaha kula kacaysay dadka masaakiinta ah ee soo magan galay. Waa lala socdaa qaar dadkan soo magan galay cadowga loo dhiibay oon maanta meel ay ku sugan yihiin la ogayn. Waxaa in muddo ahba lala beegsanayay dadkaa soo qaxay dil qorshaysan oo nabad sugidda Itoobiya oo Gobolka si weyn uga hawlgelaysa ay ka dambayeen. Waxaa nasiib darra ah in markastoo dil noocaas ah uu dhoco dhibaato loo gaysto dadweynihii soo qaxay ee ahaa kuwii dadka laga dilay.

Meeshii la baari lahaa cidda falalkaa fulinaysa ayay xukuumadda Puntland la beegsatay xasuuq aan loo kala aaba yeelin caruur iyo waayeel iyo rag iyo dumar iyadoo weliba qaar ay xabsiga ku dhinteen. Waxaan u aragnaa in lagu xad-gudbay xuquuqda caalamaiga ah ee nabad-galinaya dadka soo qaxa iyo waliba wada dhalashidii ka dhexeysay labada shacab ee walaalaha ah.

Waxaa xusuus mudan warbixintii ay soo saartay ha'adda caalamiga ah ee Dadka soo Barakaca - IDP - ay ku sheegtay in dad fara badan oo ka soo qaxaya Ogadenya ay sii maraan Boosaaso iyagoo u sii jeeda dalka Yaman oo qaar badan oo ka mid ah badaha ay ku dhinteen. Itobiya oon u baranin in caalamka laga ogaado dhibka ay ku hayso dadka shacabka ah, oo is-hortaagtay warbaahinta caalamka inay soo hubsadaan gaboodfalka ay ciidamadeeda ka wadaan Ogadenya ayaa hadda go'aansatay in la xidho wada kasta oo dadka shacabka ah ay sii maraan iyo xeryaha hoyga u ah caruurta iyo haweenka ka soo cararaya ciidanka Itobiya.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya u sheegtay hadda ka hor maamulada ka dhisan Somaliya in sirdoonka Itobiya iyo qaar u shaqeeya ay daba socdaan dadweynihii ay markii horeba ka soo bara-kiciyeen wadankoodii iyagoo ka fulinaya falal dambiyeed qorshaysan oo qaarna ku dilay, kuwa kalena ka af-duubtay oo hadda aan la ogayn inay noolyihiin iyo in kale.
Waxaan ka codsanaynaa maamulka Puntland inay haweenka iyo caruurta iyo dadka soo magangalay badbaadiyaan. Sidoo kale in dilkan qorshaysan ee sirdoonka Itobiya oo si madax banaan uga hawl gelaya Gobolka iyaga oo raba inay fidmo iyo colaad dhexdhigaan dadkan walaalaha ah in la joojiyo. Cidii fulisay dilalkaa is daba jooga ah ee dambiga ka gelaysa Shacabka soo qaxayna si xirfad ah loo baadho kadibna maxkamad la horkeeno.
ONLF.


PS: THIS IS A FORWARD SYSTEM FROM
Ogaden People Solidarity (OPS)
Address: 305-00610
Nairobi ,Kenya

No comments:

Post a Comment