Pages

Thursday, February 24, 2011

MAXAAN U-DIIDNAY INAAN ETHIOPIANS NOQONO? SABABTU WAXAA WEEYE….?


Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, kadib su’aasha sare ku xusan ee aan magaca ugadhigay qormadeenna waa su’aal furan oo qof kasta sida ay latahay uu uga jawaabi karo, xaqiiqaduna waxay ku dhex jirtaa uun jawaabaha la bixiyo qayb ka mid ah.
Si kale hadaan udhigo su’aashana waxay noqon oo ay ku wareegi dooda ah Dadka S.OGADENYA ma itoobiyaan baa mise ma aha? Ma muwaadiniin Dalka udhashaybaa mise ma aha?

Si ay ujeedada hadalkaygu u noqdo mid cad waxaa lagama maarmaan ah inaan cadayno mu’waadin maxuu yahay?
Mu’waadin-nimo ( citizenship ) waxaa lagu qeexaa in ay tahay “””XUBINIMO BUUXDA IYO SINAAN BULSHADEED OO AY KU LADHAN TAHAY UNASAB-SHEEGASHO –AFFILIATION- AYNA KA DHALANAYSO XUQUUQ IYO WAAJIBAAD””” AMA “” xiriirka u dhexeeya qof iyo ummad gaar ah.””

Marka laga tago xaqiiqda taariikheed ee ah in OGADENYA 1948-1954 muddadii u dhaxaysay xabashidu xoog iyo shirqool la inoo maleegay kula wareegeen, waxaan hoos ku sheegayaa qodobo dhawr ah oo aan u arko in ay tahay MAANGAL oo aan u cuskan doono sababaha uu shacabka S.OGADENYA ku diiday inuu noqdo ETHIOPIANS, inaga oo og in shucuub xoog lagu qabsaday ay dib ka noqdeen muwaadiniin u nasab-sheegta dawlladii guumaysanaysay, ama hagaadhaan qanaaco dhankooda ah ama taagi ha u run sheegtee,
Waxaan labo isku khilaafaynin in Dadka S.OGADENYA ay san waligood Aqbalin in ay noqdaan IETHIOPIANS, taasna waxaa cadaynaya sooyaalka taariikheed ee ummadan iyo diidmada qayaxan ee ay kala hortageen XABASHIDII damaca dhul-balaadhsiga qabtay ee buuralayda sare kasoo degtay laga soo bilaabo dhammaadkii QARNIGII sagaal iyo tobnaad, ilaa maanta, labo tusaale aan soo qaato oo daliil u noqon kara cidii ra’yiga igu khilaafsan ee dood ka qabta loolanka gaamuray ee udhexeeya dhibanayaasha SOMALIDA AH ee dalkooda difaacaya iyo dhibayaasha XABASHIDA AH ee doonaya inay qabsadaan Dal iyo Dad aysan lahayn,

1- TUSAALAHA KOOBAAD
Nin reer ITALY ah oo dhul-baadheen ah ( ITALIAN EXPLORER ) ayaa taariikhdu markay ahayd 1891 waxa uu booqasho ku tagay tuulada IIMAY ee ku taal diisha wabi SHABEELE, dhul-baadhaha reer Italy waxa uu tilmaan ka bixiyanaa xaalada nololeed ee uu ku arkay IIMAY waxa uu yidhi ““ tuuladan oo mar ahaan jirtay meel aad barwaaqo u ah,dadku ku nool yihiin badhaadho,nabad iyo sharaf ayaa maanta ah meel ay ka muuqato murugo,saxariir, rafaad iyo cabsi zaa’id ah, sababtuna waxaa weeye weerarada joogtada ah ee tuulada kaga imanaya dhanka HARAR ee uu soo qaadayo ciidan uu madax uyahay Ras Makonnen “”
RAAC link-gan ( http://en.wikipedia.org/wiki/Imi,_Ethiopia )

RAS MAKONNEN waa XAYLE SALLASE aabihii.

Labo sano kadib 1893 ayaa nin BRITISH ah ( A BRITISH HUNTER ) oo lagu magacaabo COLONEL SWAYNE oo tagay magaalada IIMAY-BARI waxaa la tusay:- “Maydadka tiro aad ubadan oo laga Argagaxo ahna Hadhaagii Ciidan Abyssinian ah oo lagu jabiyay Dagaal dhexmaray Ayaga iyo Dadka deegaankan labo ama sadex sano ka hor “ Taasi waa dhacdo QARNI ka hor dhacday

2- TUSSAALE LABAAD

BISHII DECEMBER 2008 dadkii shacabka ahaa ee magaalada QABRIBAYAX agteeda danbi la’aanta lagu gumaaday iyo sida aan labo isku waydiinin sababta dadkaas loo gumaadayna waa tusale labaad oo dhacday LABO sano ka hor.

Markale aan u noqdo su’aashaydii ahayd MAXAAN U-DIIDNAY IN AAN ITOOBIYAAN NOQONO? SABABTU Waxaa Weeye Arimahan Hoos ku Xusan:-

1- DIINTEENNA SUUBAN DULLI-NIMO MA OGOLA.!

Qofka muslimka ah marka Dalkiisa,Dadkiisa Iyo Cirdigiisa lagu xad-gudbo waxaa waajib ku ah inuu isdifaaco, Diinteenna suuban ma ogola in qofka muslimka ah uu GAAL xukumo, waxaa la faray in uu u-dagaalamo sarraysiiinta WEEDHA ILLAHAY, doortana LABO WANAAGSAN mid uun ( ixdal xusnayayn) ama inuu SHAHIIDO ama uu GUUSHA hanto.ITOOBIYAAN-KA SARE Diin inagama dhaxayso oo muslim iyo masiixiyiin ayaan kala nahay waxayna rabaan in DIINTOODU sarayso Teenuna Hoosayso.
2- DAL IYO DAD KALA DUWAN!
Marka la samaynayo Xad ama Gobal Gooni ah wax yaabaha ugu muhiim san ee lagu Astaameeyo waxaa ka mid ah isku e’kaan shaha iyo isla-haanshaha dhulka ama waxa la dhaho Xuduuda dabiiciga ah ( natural border ) iyo waliba isla-haanshaha dadka xadka loo samaynayo, waa hadii xadayntu cadaalad iyo is-ogolaansho lagu salaynayo ( ogadenya kama dhicin taasi) . hadaba ITOOBIYADA sare Dal ma wadaagno oo waxaynu kala nahay BUURALAYDA SARE (Ethiopian Plateau ) iyo DOOXADA hoose ( OGADEN plains) cimilada,xilli roobaadka, xilli diraaceedka intuba waa kala duwan yihiin.
DAD-Ka dega OGADENYA iyo ITOOBIYADA inteeda kale AF,DIIN, iyo DHAQAN toona mawadaagaan, xataa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee labada dadyaw ayaa Kala duwan, S.OGADENYA waa dad xoolo dhaqato ah, noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada iyo dhaqaalaynta xoolaha nool, meesha ETHIOPIANS-Ku yihiin dad beeralay ah, noloshoodu ku tiirsan tahay qoditaanka dhulka iyo dalaga kasoo baxa.
Kala duwanaanshaha DHULKA iyo DADKU waxay keenaysaa in lagu kala duwanaado danta iyo qaab-fikirka, waxay dhiirigalinaysaa aragtida Gooni isu taaga iyo Gaar u noolaanshaha.

3- ITOOBIYAANS-KA ISIR MA WADAAGNO.!
Wadaagitaanka hal taariikh,hal isir,hal masiir iyo hal qowmiyad waa qodob muhiim u ah in ay Ummadi midowdo oo ay dhistaan maamul iyo dawllad ay wada ilaashadaan, intaas midna ma wadaagno itoobiyaan-ka oo innaga SOMALI ayaynu anahay ayagana waa ummado kale oo uusan waxba inaga dhaxayn.

4- ITOOBIYAANS-KA -AF- INAGAMA DHEXEEYO.!

Luuqada waxaa lagu tilmaamaan unugta ugu muhiim san ee ummad ama shacab midaysa, waa mida la isku fahmo ee lagu wada xiriiro, waa mida isku keenta danta iyo aayaha dad aad ufarabadan oo dhul baahsan ku nool, waa mida ay ku wada xiriiraan dawllada iyo dadkeedu, waa mida ay dawlladu ku gudbiso fariinta ay rabto inay shacabkeeda gaadhsiiso, S.OGADENYA iyo ITOOBIYADA sare AF ma wadaagaan oo waxay rabaan in ay kobciyaan luuqadooda teennana ay juqumsadaan. Waligiin ma aragteen BBC- AMHARIC AMA VOA -AMHARIC oo OGADENYA laga dhagaysanayo!? Meesha EX-radio muqdisho, BBC Somali, VOA Somali IWM, Saacad saacad looga dhagaysto OGADENYA, Taasi maxay ku tusinaysaa?

5- ITOOBIYAANS-KA DHAQAN INAGAMA DHEXEEYO!
Dhaqanka midaysan,fanka iyo suugaanta loodhanyahay,iwm waa arimo lagama maar maan u ah wadajirka iyo iskaashiga shacab raba inuu dhiso dawllad la isaga raali yahay oo sii jirta waqti dheer,

Somalida Ogadenya iyo Itoobiyaanka dhaqan, xeer,iyo xadaaro midna ma wadaagaan oo ayaga dhaqan kooda waxaa Asal iyo Marjic u ah DIINTA masiixiga iyo Qaysaska horjooga kaniisada, dhigeeda inaga waxaa inoo ah Asal iyo DASTUUR Diinteenna suuban iyo Tacliimaatka QUR’AANKA , mar walbana waxay rabaan inay inagu qasbaan Amarkooda oo ay ahaadaan taliyayaasha inaguna loo taliyayaal.